Monday, June 29

Madaxweynihii hore ee Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo xaalad adaga oo ka dhalatay labadii dhulgariir ee dhawaan ku dhuftay.

Maduro ayaa haatan ku xiran dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku sugayo maxkamadeyn lagu soo oogay eedeymo la xiriira inuu “argagixisanimo ku lug yeeshay iyo ganacsiga mukhaadaraadka” kaddib markii ay ciidamada Maraykanku qabteen horraantii bishii Janaayo.

Bayaan lagu daabacay akoonkiisa barta X, ayaa lagu sheegay in Venezuela ay taariikhdeeda soo martay “waqtiyo burbur iyo waqtiyo dib-u-soo-kabasho,” isla markaana dhulgariirradan laga yaabo inay ka mid yihiin “kuwa ugu xanuunka badan ee abid ka dhacay dalkaas.”

Si kastaba ha ahaatee, Maduro ayaa sheegay in dalku “mar kale dib u soo kaban doono,” isagoo tacsi u diray dadkii ku dhintay musiibada, isla markaana ammaanay shaqaalaha gurmadka ee ku howlan badbaadinta iyo samatabbixinta.

Maduro iyo xaaskiisa, Cilia Flores, ayaa lagu qabtay magaalada Caracas 3-dii Janaayo, intii lagu jiray howlgal uu oggolaaday Donald Trump.

Labadooda waxaa loo qaaday magaalada New York, si ay u wajahaan dacwado la xiriira mukhaadaraad iyo hub, eedeymahaas oo ay labaduba beeniyeen.

Intii uu Maduro maqan yahay, Delcy Rodríguez, oo hore u ahayd madaxweyne ku xigeenkiisa, ayaa Golaha Qaranka ee Venezuela u dhaariyay inay noqoto madaxweyne ku meel gaar ah.

Exit mobile version