Kooxaha reer Ingiriis ee Newcastle iyo Manchester ayaa waqtigan xusul duub ugu jira sidii ay ula soo wareegi lahaayeen daafac faransiiska iyo kooxda Monaco Disasi.
Labada kooxood ayaa isku garbinaya soo xiro galinta xidigan, inkastoo labada naadiba aanay weli shaacin qiimaha ay ku doonayaan xidigan.
Newcastle, ayaa todobaadkii la soo dhaafay wada hadal la furtay xidiga, taas oo carqalad ku noqoneysa rabitaanka United, wallow wax kasta ay xukumi doonaan go’aanka xidiga iyo heshiisyada ay soo bandhigaan kooxaha.
Erik ten Hag ayaa sanadkii la soo dhaafay daafacyadiisa ku kordhiyey Lisandro Martinez, wuxuuna waqtigan isha ku hayaa Disasi, kaas oo baddel u noqon kara Harry Maguire, oo aysan taageerayaasha United ku faraxsaneyn.