Isbahaysiga Miliri ee NATO ayaa sheegay inaysan jirin qodob u oggolaanaya in waddamada xubnaha ka ah laga joojiyo ama laga eryo isbaheysiga milatari, ka dib markii warbixin lagu sheegay in Mareykanku uu raadin karo inuu xubinnimada ka joojiyo dalka Spain sababo la xiriira mowqifkiisa dagaalka Iran.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal Mareykan ah oo sheegay in Email gudaha ah oo ka soo baxay Pentagon-ka uu soo jeediyay tallaabooyin uu Mareykanku ku ciqaabayo xulafada uu aaminsan yahay inay ku fashilmeen inay taageeraan ololihiisa.
Emailkaas ayaa sidoo kale soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo mowqifka Mareykanka ee ku aaddan sheegashada UK ee jasiiradaha Falklands ee koonfurta Atlaantik, kuwaas oo ay sidoo kale sheegato Argentina.
Sarkaal ka tirsan NATO ayaa u sheegay BBC-da in heshiiskii lagu aasaasay isbaheysiga “uusan dhigayn wax qodob ah oo loogu talagalay joojinta xubinnimada NATO, ama ka saarid ah”.
Raysal Wasaaraha dalka Spain ayaa isna gaashaanka ku dhuftay warbixintaas, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin
Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, Kingsley Wilson, ayaa u sheegtay BBC-da in kasta oo “wax kasta” oo uu Mareykanku u sameeyay xulafadiisa NATO, “aysan nala joogin xilligii aan u baahnayn.”
Waxay intaas raacisay: “Waaxda Dagaalka [waaxda Difaaca] waxay hubin doontaa in madaxweynuhu haysto dookh la isku halleyn karo si loo xaqiijiyo in xulafadeenu aysan sii ahaanin ‘shabeel warqad ah’, balse ay halkaas ka qaataan doorkooda.”
“Ma bixin wax faallo dheeraad ah oo ku saabsan wadatashiyada gudaha ee arrintaas ku saabsan.”
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan ku dhaliilay xulafada NATO inay ka caga-jiidayaan inay door weyn ka qaataan dagaalka, ka dib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iran 28-kii Febraayo, taas oo keentay in Iran ay xannibto isu-socodka maraakiibta adeegsanasa Marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Spain ayaa diidday inay oggolaato in loo adeegsado saldhigyada cirka weerarada ka dhanka ah Iran. Maraykanku wuxuu Spain ku leeyahay laba saldhig oo milatari, kuwaas oo kala ah Saldhigga badda ee Rota iyo Saldhigga cirka ee Morón.
Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa u sheegay weriyayaasha: “Annagu kuma shaqayno Emaylo. Waxaan ku shaqaynaa dukumentiyo rasmi ah iyo mowqifyo rasmi ah oo ay qaadato, kiiskan, dowladda Maraykanka.”

