Monday, September 15

(Hortabin Media) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan booqday qeybo ka mid ah maamulka Koonfur Galbeed, ayaa halkaasi ka sheegay inuu billaaban doono wajiga labaad ee dagaalka.

Arrintaasi ayaa dad badan cabsi ku dhalisay, xili weli dowladdu aanay ka soo dhamaan maamullada Galmudug iyo Hirshabelle oo uu dagaalku ka socdo.

Siyaasyiinta qaar oo la hadlay Hortabin Media, ayaa sheegay in go’aanka Madaxweynaha uu yahay tallaabo fiican, waxeyna soo dhaweeyeen in Al Shabaab dagaalka looga furo dhowr jiho.

Waxey sheegeen siyaasiyiintan in arrintaasi ay soo koobeyso isku gurmashadii Al Shabaab, maaddaama dagaalyahanadooda ay tiro ahaan ka yar yihiin kuwo dowladda Soomaaliya.

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale ku taliyey in dagaalka uu ka billawdo maamulka Jubaland, taas oo culeys ballaaran ku noqon karta Al Shabaab, isla markaana keeni karta guulo la taaban karo.

Tan iyo Markii uu Xasan Sheekh Maxamuud uu hantay mar kale kursiga ugu sareeya dalka, wuxuu xoogga saaray dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, kaas oo iminka guullo wax ku ool ah laga soo hoyey.

Exit mobile version