Waxaa toddobaadkii 4-aad la ciyaaray kulamo ka tirsan horyaalka xiisaha badan ee Premier League Ingiriiska, kaas oo ay weli hoggaanka u heyso kooxda Man City.
Hoggaamiyayaasha City ayaa guul ka gaaray naadiga Fulham, oo ay kaga awood roonaadeen 5-1, waxaana mar kale qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay Erling Haaland oo shabaqa ku hubsaday saddexleey.
Naadiga Chelsea oo ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Nottingham Forest, taas oo sanado badan kadib Blues-dhinaceeda dhulka dhigtay, kadib ciyaar ka dhacday Stamford Bridge, oo ku soo idlaatay Gool iyo waxba.
Kooxda Liverpool ayaa u awood sheegatay naadiga Aston Villa, oo ku dhufteen 3-gool iyo waxba, waxaana reds ay goolasha kaga mahadcelineysaa Dominik Szoboszlai, Moh Salah halka goolka kalana ay iska dhaliyeen Aston Villa.
Tottenham oo xilli ciyaareedkan soo bandhigtay kubad cajiib ah, ayaa mar kale gaartay guul muhiim ah, waxeyna goolal gaaraya 5-2 ku dubteen Burnley, iyadoo ay xusid mudan tahay in xidigooda Heung-min Son uu dhaliyey kulankan saddexleey.
Kulankii aadka loo wada sugayey ee horyaalka Premier League ayaa waxa uu ka dhacay garoonka kooxda Arsenal ee Emirates Stadium halkaas oo lagu marti qaaday naadiga Man United.
Ciyaar aad u xiisa badan oo ay inta badan Arsenal gacan sareysay ayaa ku soo idlaatay 3-1, waxaana goolasha guusha ay yimaadeen daqiiqadihii ugu danbeeyey ciyaarta.
Billawgii hore ee ciyaarta Marcus Rashford ayaa gool uga naxsaday Gunners, balse wax badan kuma qaadan in ay soo celiyaan goolkaasi, waxaana daqiiqad kadib ka jawaabay Kabtanka Arsenal Martin Ødegaard oo baas ka helay wiilka reer Brazil ee Gabriel Martinelli.
Declan Rice oo qaatay xidiga garoonka ayaa muujiyey inuu u qalmo lacagta faraha badan ee ay Gunners ka soo bixisay, kadib goolkiisa ugu horeeyey Arsenal oo yimid daqiiqadii 96-aad ee ciyaarta, waxaase sii quusiyey United xidiga reer Brazil ee Jesus oo gool qurux badan daba mariyey goolhaye Onana.
Si kastaba waxaa horyaalka hoggaanka u heysa City, taas oo guuleysatay dhamaan 4-tii kulan ee la ciyaaray, waana kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska.