Naadiya Maxamed ayey Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota u doorteen in ay noqoto duqa magaaladaasi.
Gabadhan ayaa noqoneysa Soomaaligi ugu horeeyey ee duq magaalo ka noqda gudaha Mareykanka, waxeyna heshay 58% codadkii la dhiibtay.
Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharaxii la loolamayey ayey Naadiya ka guuleysatay, waxeyna noqotay waa cusub oo u baryey Soomaalida dalka Mareykanka.
Naadiya ayaa dadaalkan soo billawday xilli hore, waxaana sanadkii 2019, iyadoo 23 jir ah loo doortay kursi golaha deegaanka ee magaaladaas ay iminka duqa ka noqotay.