Sunday, September 14

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday 36 ruux oo ajaanib ah, kuwaas oo loo heysto eeddo la xiriira in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha  Soomaaliya.

Maxkamada Racfaanka oo hore usoo aqbashay qodobo ka mid ah racfaankii ay soo qaateen ayaa labo xilli oo kala duwan dhageystay dacwada loo heysto eedeysanayaashan  ajaanibta ah, waxeyna maanta ugu danbeyn ku xukunta midkiiba lacag dhan 12-kun oo dollar, waxaana sidoo kale ay maxkamadu xukuntay in lala wareego labadii doonyood ee ay wateen kallumeysatadan ajaanibta ah, sida uu ku dhawaaqayo gudoomiyaha maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed.

Eedeysanayaashan ayaa hore xukun waxaa ugu soo riday maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo ku xukuntay midkiiba 11-kun oo dollar, iyo 30-kun oo magdhaw oo ahayd khasaare soo gaaray doonyihii ay wateen ciidamada badda soomaaliya xiligii soo qabashadooda.

Xukunka maxkamadda racfaanka ay riday maanta ayaa waxaa muuqata in lacagtii 11-kun ahayd ay ka dhigtay midkiiba 12-kun oo dollar waxaanay maxkamadu meesha ka saartay 30-kii kun ee magdhawga ahaa.

Exit mobile version