Friday, September 12

Madaxweynaha dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, si uu uga qeyb galo Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha oo Addis Ababa aanan kala kulmin soo dhaweyn heerkeedu sareeyo, ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka shir madaxeedka 37-aad ee Midawga Afrika, wallow uu wajahay caddaadis adag, sida ay baahisay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa la isku dayey in laga hor istaago inuu gudaha u galo madasha uu shirku ka soconayey, waxaana caddaadis kaasi u dhigma la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, inkastoo markii danbe ay labadooda u suuragashay in ay shirka ka qeyb galaan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa falkaasi dhaleeceysay, waxeyna ku tilmaantay mid qal qal lagu galinayo xasiloonida gobolka, isla markaana kala fogeynaya labada dal ee dariska ah, oo uu xilliganba xiriirkoodu caga badan ku taagneyn.

Dhanka kale Madaxweynaya oo shirka ka qeyb galay ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad uu uga hadlayo damaca waalida ee Itoobiya, kaas oo uu ku sifeeyey mid aan u cuntameynin shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa carabka ku dhuftay in Itoobiya ay si cad ugu xadgudubtay Madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, waana arrin sida u tibaaxay dhaawac weyn gaarsiisay xiriirka labada dal, keeni kartana caqabado kala duwan.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday doorka ay Caalamku ka istaageen damaca Itoobiya, kaas oo ay dunida ku tilmaantay mid hareer marsan sharuucda caalamiga ah, wuxuuna Itoobiya dhankeeda ugu baaqay in ay ka waantoobaan damacaasi halista ku ah gobolka.

Xasan Sheekh ayaa ugu danbeyn midawga Afrika u soo jeediyey, in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga guud ahaan qaarada Afrika.

Abiy Axmed oo madasha fadhiyey ayaa wajigiisa laga dheehanayey niyad jab xooggan, waxaana qasab noqoneysa inuu ka tanaasulo damaciisu ku aaddan hanashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, maaddaama aysan jirin cid dunida ka tirsan oo qorshahiisa taageero u muujisay ilaa iyo iminka.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version