Monday, September 15

(Hortabin Media) – Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay u ambabaxay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ee dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono kulan ay golluhu yeelanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si rasmi ah uga qeyb galaya kalfdhiga 78-aad ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay, kaas oo looga hadli doono qodobo xasaasi ah.

Kulankan oo furmaya maalinta berito ah, ayaa socon doona ilaa 21-ka bishan September, iyadoo la filayo Ra’iisul wasaaraha uu ka jeediyo khudbad.

Sida uu warbaahinta u sheegay Af-hayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Jimcaalle, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegi doona xaaladda adag ee ay Soomaaliya wajaheyso, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Af-hayeenka Xukuumadda ayaa sido kale sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulakaasi ka sheegi doono in soomaaliya ay tahay dal soo kabanaya loona baahan yahay in la taageero, waxaana sidoo kale uu hoosta in ra’iisul uu codsan doono sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cuno qabatenta dhinaca hubka ee saaran.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version