Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo soo xiraya lugtiisii ugu dambeysay ee safar afar maalmood qaatay oo uu ku marayay gobolka Bariga Dhexe ayaa shir madaxeedka wadamada Carabta oo maanta ka furmay magaaladda Jeddah ka jeediyay khudbad ku aadan istaraatiijiyaddiisa ku wajahan gobolka Bariga Dhexe.
Biden ayaa sheegay in Maraykanku “uusan ka tagi doonin” bariga dhexe waxaa uuna sii raaciyay hadalkiisa “Kama bixi doono oo ka tagi mayno meel banaan ah oo ay buuxiyaan Shiinaha, Ruushka ama Iran”.
Hogaamiyeyaasha lixda waddan ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) – Sacuudi Carabiya, Qatar, Baxrayn, Kuwait, Cumaan iyo Imaaraadka Carabta oo ay weheliyaan Urdun, Masar, iyo Ciraaq ayaa shirwaynaha wadahadallo ku saabsan amniga gobolka iyo xiriirka laba geesoodka ah kula leh Mareykanka.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media