Sunday, November 9

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, ayaa fariin uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Mareykanka uu joojin doono dhammaan gargaarka iyo taageerada uu siiyo dowladda Nigeria, taas oo ku eedeeyey in ay ku xadgubeyso bulshada masiixiyiinta ee Nigeria.

Washington ayaa ku goodiysay in ay cawaaqib culus ka dhaxli doonaan nigeria haddii aysan si degdeg ah u joojin dilalka lagula kacayo dadka Kirishtaanka ah ee dalkaas ku nool.

Wuxuu ku hanjabay in Mareykanku uu qaadi doono weerar toos ah oo milatari, kaas oo noqon doona mid deg deg ah oo natiijo wax tar leh dhalinaya.
Trump wuxuu tilmaamay in uu amray Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Department of War) inay isu diyaariso tallaabo militari oo suuragal ah, halka wasaaraduna ay shaacisay in amarkaasi ay aqbashaday jawaabna ay ka bixineyso.

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Nigeria inay u ogolaatay kooxo uu ugu yeeray “argagixisada Islaamiga ah” inay sii wadaan weerarrada iyo dilalka dadka masiiga ah, isagoo ku tilmaamay arrintaas fal arxan darro ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay in aan loo dulqaadan karinn tacadiga uu sheegay in Dowladda Nigeria ay kula kaceyso nigeian-ka heysta diinta masiixiyadda.

Trump ayaa digniin adag u diray dowladda Nigeria, isagoo yiri: “Haddii aysan dhaqso tallaabo ugu dhaqaaqin, Mareykanku wuu soo faragelin doonaa.”.

Hadalka Trump ayaa yimid xilli xukuumadda washington ay Nigeria dib ugu dartay liiska dalalka lagu eedeeyo in ay ku xadgudbaan xorriyadda diinta.

Kadib weedhaha hanjaabada ee trump Dowladda Federaalka ee Nigeria ayaa dhankeeda iyana sheegtay in ay u diyaar garowday ka hortaga weerar kasta oo uga yimaada Mareykanka.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha Xuukamada abuja, Bayo Onanuga, ayaa sheegay in Madaxweynaha dalkaas, Bola Ahmed Tinubu, uu faray taliyayaasha ciidamada in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo hanjabaada Trump ka soo yeereysa.

Nigeria oo dalka ugu dadka badan Afrika, waxa bulshada masiixiga ay dalkaasi ka tahay boqolkiiba 40 waana kuwa dega koonfurta nigera halka dadka muslimiinta ahna ay dagaan waqooyiga.

Kooxda Boka haram oo ah koox jihaadi ah oo xiriir la leh Al qaacida ayaa fulisa werarada dalkaasi ka dhaca, waxaana kooxdani ay inta badan weerarada ka fuliyaan Waqooyiga Nigeria oo ah halka ay degan yihin shacuubta muslimiinta, taas oo bidhaamineysa in aanay jirin xasuuq gaar ah oo lagu hayo bulshada masiixiga ee Nigeria.

Trump qudhiisa ilaa hada ma uusan soo bandhgin xadgudubyo cad oo lagula kacayo bulshada masiixiga ee Nigeria, taas oo hadalkiisa ka dhigtay mid uu ujeedo gaar ah ka lahaa.

Tan iyo markuu xafiiska yimid Trump waxa uu il gaar ah ku hayey Nigeria, wuxuuna mar walba abuurayey khilaaf, taas oo shaki badan dhalisay.

Bartamihii sanadkan casuumaad uu usameeyey madaxda dalalka Afrika, waxa uu ka reebay Nigiria oo waqtigaasi dhagaha ka fureysatay dalab laab la kac ah oo ahaa in gudaha Nigeria uu geeyo dadka u dhashay Venezuela ee ku sugan Mareykanka.

Xiligaasi wasiirka arrimaha dibadda nageria Yuusuf Tuggar ayaa warbaahinta u sheegay in Nigeria aysan u hoggaansamin doonin cadaadiska dheeriga ah ee ay ku aqbaleyso dadka reer Venezuela ee laga soo tarxiilayo Mareykanka.

Tuggar ayaa sheegay in Trump uu isku dayay inuu u caggo-jugleeyo wadamada Afrika, taas oo sida uu sheegay aanan suuragali karin”

Inkastoo wax sahlan aysan ahayn in mareykanku uu weerar ku qaado dalka ugu dadka badana Qaarada Afrika misana Trump ayaa ku dhuumanaya xiisadan si uu u abuuro jawi is fahan, kaas oo mareykanka u suura galin kara inuu hanto ilaha dhaqaalaha dalkaasi, maaddaama Nigeria ay ka mid tahay dalalka ugu hodansan Afrika lehna keyd shidaal oo ballaaran iyo macdan dihin.

Jawaabta adag ee Nigeria ay ka bixisay hanjabaada trump ayaa soo de dejisay in la qaban qaabiyo kulan labada dal dhawaan dhex mari doono, kaas oo uu trump uu si hoose ugu bandhigan doono rabitaankiisa la xiriira kheyraadka Nigeria, isagoo si xeeladeysan ugu muujin doona dabacsanaan iyo in leeyihiin dano isku dhigma.

Si kastaba Keydka Shidaalka Nigeria wuxuu gaarayaa 37.28 bilyan oo fuusto (barre) oo shidaal ceeriin ah iyo gaaska dabiiciga ah oo lagu qiyaasay 210.54 tiriliyan, Nigeria ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee ugu waaweyn xagga keydka shidaalka, waxaana lagu qiyaasaa in keydkan shidaalka uu dalka ku filnaan karo qiyaastii 64 sano, halka gaaska uu ku filnaan karo 93 sano, iyadoo lagu saleynayo heerka wax soo saarka ee hadda socda, waxana sidoo kale xusid mudan in nigeria laga helo qaar ka mid ah macdanta ugu qaalisan dunida, waxaase laga dhursugayaa halka uu ku biyo shubto rabitaanka Trump.

Exit mobile version