Thursday, September 11

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed ku dileen degaanka Soomaalida u badan tahay ee Belville ee Magaalada Ceptown.

Kooxaha oo dilka u adeegsaday Tooreey ayaa waxaa la sheegay in ay muwaadinka Soomaaliyeed ay ka qaateen Gaari nooca raaxada ah oo uu ku Shaqeysanayay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Soomaalida ku nool goobta uu dilka ka dhacay ay ku wargeliyeen falkaasi Booliska taas oo keentay in gacanta lagu dhigo burcadii ka dambeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

War kasoo baxay Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa lagu xaqiijiyay soo qabashada ragga Burcadda ah, iyaga oo sheegay inay Maxkamad horgeyn doonaan.

Exit mobile version