Friday, September 12

Somaliland ayaa sheegtay halka ay dhul badeedka ka siineyso Itoobiya, sida uu ku sheegay Wareysi uu Madaxweynaha maamulkaasi siiyey wargeyska The Economist.

Muuse Biixi ayaa wargeyska uga waramay heshiiskii ay dhawaan gaareen iyaga iyo Itoobiya, wuxuuna xusay in heshiiskaasi uu noqonayo mid mira dhali doona, isla markaana iminka lagu jiro howshiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa tilmaamay halka uu dhul badeedka ka siinayo Itoobiya, isagoo xusay inuu siinayo 20km oo isku xirta Lughaya illaa Bulhar.

Muuse Biixi ayaa wareysigan ku sheegay in ahmiyad gaar ah ay Somaliland u leedahay aqoonsiga Itoobiya, maddaama sida uu sheegay ay yihiin dalal jaar ah, oo ay ka dhaxeeyaan arrimo fara badan.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay muddo dheer guc la orad ugu jirtay aqoonsi caalami ah, wuxuuna tilmaamay in iminka ay diyaar u yihiin cid kasta oo iyaga jiritaankooda dowladnimo aqoonsaneysa.

Dhinaca kale beesha sida gaarka ah u degan deegaanada ku teedsan dhul badeedkan, ayaa ka soo horjeesatay hadalka Biixi, iyagoo sheegay in arrintaasi aanay suura gal noqon doonin.

Si Kastaba Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa ka hor timid dowladda Soomaaliya, taas oo heshiiskaasi ku macneysay mid xad-gudub ah, waxeyna taageero ka heshay inta badan dowladaha Caalamka.

Exit mobile version