Friday, September 12

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaalka Laascaanood, ayaa dafiray in ciidamadiisa ay xasuuq ka geysteen Laascaanood, wuxuuna sheegay in iyaga ay ku jiraan difaac oo qura, isla markaana ay iska caabinayaan weerarada uga imanaya dhanka xoogaga SSC.

Biixi ayaa dagaalka Laascaanood ku tilmaamay mid dibadda laga soo abaabulay, isagoo hoosta ka xariiqay in Puntland ay ka mid tahay kuwo hurinaya dagaalkaasi.

Wuxuu si cad u sheegay in ciidamo ka tirsan  maamulka Puntland ay qeyb ka yihiin dagaalka, taas oo sida uu xusay daliil u noqoneysa in lagu soo duulay Somaliland.

Arrinta laga yaabay ee uu ka dhawaajiyey ayaa ah, in xubno ka tirsan Al Shabaab ay ku jiraan dagaalka, oo ay la safan yihiin xoogaga SSC, inkastoo hadalkaasi aan la xaqiijin karin.

Ugu danbeyntii Biixi wuxuu carabka ku dhuftay in dhankooda ay diyaar u yihiin in xiisada taagan lagu xaliyo wada-hadal, isagoo dhinaca kale ugu baaqay in ay mowqif kiisa la mid ah qaataaan si colaado u istaagto.

Somaliland ayaa ka biyo diidsan in ay la fariisato Soomaaliya, waxaanay tabasho xooggan ka qabtaa dowladdii kacaanka ahayd, taas oo dagaal la gashay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. 

Exit mobile version