Monday, September 15

(Hortabin Media) – Tan iyo markii uu iclaamiyey Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, wuxuu waqti badan galiyey ka dhabeynta hadafkaasi, isagoo arrintaasi u tafa xeytay

Madaxtooyada Soomaaliya bogeeda ayaa dhawaan lagu baahiyey sawir Madaxweynaha Soomaaliya laga qaaday, isagoo jooga dalka Eriteriya oo uu u tagay inuu soo kormeero xaaladda ciidamada halkaasi lagu tababarayo.

Sawirka oo bidhaaminayey inuu is baddelay muuqaalka Madaxweynaha, ayaa hadal heyn badan ka dhex abuuray bulshada, gaar ahaan kuwo baraha bulshada ku foogan.

Sawirka ayaa muujinayey sida hagar la’aanta ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh xoogga u saaray dagaalka Al Shabaab, isagoo ka dhaxlay dihaal, iyo daal fara badan.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa Eriteriya marka uu ka soo laabto la filayaa inuu ku soo laabto Dhuusamareeb oo uu fariisin ka dhigtay 3-bilood ee la soo dhaafay, halkaas oo uu ka hoggaaminayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Exit mobile version