Monday, September 15

(Hortabin Media) – Musuq aad u xooggan ayaa ilaa maanta ka dhex jira xarumaha dowladda ee bixiya adeega dad weynaha, xilli ay xabsiga jiifaan masuuliyiin lagu eedeeyey musuq maasuq.

Muwaadiniinta goobahaasi adeega u doonta ayaa laga qaadaa lacag loogu magac daray howl fududeyn, waxaana ilinka hore ee xarumahaasi aad ku arkeysaa rag dalaaliin ah oo bulshada ku qasbaya in ay bixiyaan lacagahaasi si howlahooda loogu fududeeyo.

Muwaadiniinta ayaa adeega loo fulinayo ka sakow, laga qaadaa lacag dhan 20 dollar oo howl fududeyn ah, taas oo si qarsoodi ah loo weydiisto.

Dadka lacagahaasi qaadanaya waxaa ka mid ah askar Boolis ah, iyo kuwo dalaaliin ah oo howshoodu tahay in ay dadka ku qanciyaan bixinta lacagtaaasi.

Caqabadan oo in muddo ah, taagan ayaanan weli loo heli xal, waxaana lagu baaqayaa in dowladda ay ukuur-gasho dhibaatooyinka ka jira xarumaha dowladda ee bixiya adeega muwaadiniinta.

Si kastaba arrintan ayaa jilaafo ku noqoneysa, dadaalka ay dowladdu ugu jirto la dagaallanka musuqa, maddaama uu weli yahay mid jira, bulshadana lagu dhibaateynayo.

Exit mobile version