Friday, September 12

Shaki xooggan ayaa la galinayaa mustaqbalka jiritaan Maamulka Somaliland, marka la eego culeysyada xaaladaha ka jira degaanada uu maamulku ka arrimiyo.

Caddaadiska ugu adag ayey kala kulmayaan xiisada ka aloosan Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood, oo ay dadkeedu diidan yihiin in ay ka sii mid ahaanshaha maamulkaasi.

Colaada Laascaanood ee daba dheeraatay, waa mid soo koobeysa hamiga madax bannaanid ay 30-ka sano raadineyso Somaliland, waxaana maalinba maalinta ka danbeysa kordhaya tirada dadka dagaalkaasi ay waxyeelada ka soo gaareyso.

Xilli ay adag tahay xaalada ka taagan Laascaanood, ayey xiisad kale ka soo if baxday Gobolka Awdal, halkaas oo bannaanbax ka dhacay, ay ku dhinteen dad rayid ah, kadib rasaas ay ciidamada maamulku fureen.

Maamulka oo ka taliya Gobollo tiradoodu gaareyso lix, ayaa waqtigan culeys kala kulmaya seddex gobol, taas oo wiiqeysa rajadoodii ku aadaneyd in la aqoonsado.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadminimada ayaa dhowr jeer ka dhawaajiyey dhibaatada ay ciidamada Somaliland ka geysteen gudaha Laascanaood, oo duqeymo culus ay la beegsadeen milatariga Somaliland.

Waxaa xaaladda sii adkeyneysa mowqifka dadka reer Laascaanood, kuwaa oo ka biyo diiday in ay maamulka la fariistaan, sababo la xiriira khasaarihii ka soo gaaray dagaalladii dhacay.

Hoggaanka maamulka Somaliland oo isna doonaya inuu xoog ku maquuniyo dadka Laascaanood degan, ayaa qasab ka dhigeysa in ay jiitanto colaada Laascaanood.

Dhan kasta oo laga milicsado, waxaa hod dheer ku dhacday rajadii ay Somaliland ka qabtay in ay noqoto dowlad madax bannaan, waxaana arrintaasi in ay lagu hungoobo kaalin ku leh xiisadaha ka taagan goobaha ay maamusho, iyo sida maamulku uga jawaabay oo aan qurux badneyn.

Exit mobile version