Guud ahaan bulshada muslimiinta ee caalamka ayaa u dabaal-degaya munaasabada ciidul adxa oo ka mid ah ciidaha uu islaamku leeyahay.
Bulshada Islaamka ah ayaa isugu hambalyeeynaya munaasabadan, waxaana kuwo awooda ay gowracayaan xoolo, si ay u sadaqeystaan.
Inta la xaqiijiyey 1.8 milyan oo dad muslimiin ah ayaa sanadkan gudanaya waajibkaadka xajka, waxaana ku jira dad badan oo Soomaali ah.
Sida Sacuudigu sheegeen xujeyda ayaa ka kala timid dalal dhowr ah oo caalamka ka tirsan, iyagoo bayaan ay arintaasi ka saareen ku sheegay in 190 wadan ay ka kala yimaadeen muslimiinta gudanaya waajibaadka xajka sanadkan.