Friday, September 12

Musharrxiinta Mucaaridka ah ee u tartameysa  xilka Madaxweynaha Puntland ayaa go’aan midaysan ku gaaray in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay  in ay kalsoonida kala laabteen guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ayaa isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ay ka baxday Puntland sida War-saxaafadeedka lagu sheegay.

Dallada Musharrixiinta Mucaaridka  puntland  oo ka kooban 15 xubnood ayaa sidoo kale uga digay Madaxweyne Deni iyo guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamanka in ay sii wadan Hawsha doorashada oo aan heshiis lagu ahayn.

Exit mobile version