Saturday, September 13

Ciidanka Puntland ee  ku sugan buuraha Golis ee gobolka Bari ayaa sheegay in ay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan ku dhacday.

Ciidamada ku sugan buuraha Golis ee ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa sheegaya in ay ka tirsan yihiin Ciidanka  Daraawaaiishta Puntland.

Sarkaal u hadlay Ciidankan ayaa sheegay in ciidanka gadoodsan yihiin ururka 7-aad ee ciidamada Daraawiishta ee ku sugan silsiladda Golis, isaga oo madaxda puntland ka codsaday in ciidanka la siiyo xuquuqdooda.

Gadoodka ciidamada puntland ee ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa mudooyinkii danbe ka taagnaa degaanada  Puntland kuwaas oo qaarkood Wadooyinka xirtay, inkastoo markii danbe ay  dib u fureen wadooyinkaas.

Exit mobile version