Monday, September 15

Khilaaf xooggan ayaa ka taagan doorashada maamulka Puntland, xilli uu gebo-gabo yahay muddo xileedka Madaxweynaha kursiga fadhiya Saciid Cabdulaahi Deni.

Deni ayaa doonaya in doorashada soo socota ay noqoto mid qof iyo cod ah, isla markaana lagu kala baxo hannaanka xisbiyada, hase ahaatee mucaaridku taasi kuma qanacsana.

Mucaaridka ayaa si cad u muujiyey in ay ka soo horjeedaan qorshaha Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni, iyagoo tilmaamay inuu doonayo muddo kordhin.

Khilaafka dhanka doorashada ee ka ooggan Puntland ayaa saameyn ku yeeshay Barlamanka maamulkaasi oo iminka sida lagu soo waramayo labo garab u kala jabay.

Waxgaradka iyo salaadiinta deegaanada Puntland ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyey isku dayayey in ay xaliyaan khilaafkan, hase ahaatee waa ay ku guuldareysteen kadib markii hoggaanka Puntland uu ka dhaga adeegay baaqooda.

Exit mobile version