Monday, September 15

(Hortabin Media) Waxaa toddobaadyadii ugu danbeeyey isi soo tarayey ciidamada dowladda ee dhacaya qaadka lagu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo iskula socda koox koox, ayaa si qasab ah haweenka qaadka iibiya uga qaadanayo jaadka ay ka raadiyaan nolol maalmeedka.

Qaar ka tirsan askarta ayaa adeegsanaya rasaas, si ay u argagax galiyaan haweenka iyo raga iibiya jaadka, iyagoo kadibna la baxsanaya jaadkii ay iibinayeen.

Dhacdooyinka la xiriira arrintan ayaa isi soo taraya, waxaana bil ka hor ay askarta dowladda dileen muwaadin Soomaaliyeed oo qaad ku iibinayey agagaarka Ex-koontorool Afgooye.

Sidoo kale askarta ayaa dhac ka geysatay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana dhacdadaasi ka dhashay bannaabax ay dhigeen dadka qaadka iibiya oo u badan haweenka.

Dowladda Soomaaliya ayaanan ilaa iyo iminka ka jawaabin dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ciidamadu geysanayaan, kuwaas oo wal wal ku abuuray ganacsatada Jaadka, oo canshuur xad dhaaf ah bixiya.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version