Waxaa maanta si weyn looga ciiday gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoo shacabkuna ay salaada ku oogeen masaajidada Caasimada, kuwaas oo si weyn loo soo buux dhaafiyey.
Shacabka badankooda ayaa u dalxiis tagay, goobaha bilicda leh ee waqtiga lagu qaato, waxaana waalidiinta ay gacanta ka hayeen ubadkooda, iyagoo wada qaadanaya farxada Munaasabada Ciidul Adxa.
Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyey amniga magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka la keenay ciidamo dheeraad ah oo kuwii hore lagu biiriyey.
Wadooyinka Caasimada ayaa maanta ahaa kuwo mashquul ah, waxaana sidoo kale Ciidan ay caan ku tahay gowricida xoolaha Udxiyada, si loogu caawiyo dadka masaakiinta ah.