Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyey la wareegtay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, oo uu ka socdo dagaal looga soo horjeedo Al Shabaab.

Meelaha la qabtay oo ah goobo istaraatiiji ah ayaa waxaa ka mid ah degmada Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo ay Al Shabaab ku sugnaayeen sanado aad u fara badan.

Goobahan la qabtan oo isugu jira Degmooyin, Deegaanno iyo Tuulooyin, ayaa leh muhiimad gaar ah, waxeyna dhiira gelineysaa gulufka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Qabsashada deegaanada ayaa sidoo kale sameyneysa macno fara badan, waxeyna sare u qaadeysaa walaaca hareeyey argagixisada.

Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey qabsashada deegaanadan ayaa ku baaqay in dowladdu ay ku fara adeegto, isla markaana ay howlgalka hore usii dhaqaajiso dowladda, si looga takhaluso Al Shabaab.

Exit mobile version