Deeq bixiyayaasha caalamka ayaa ku yaboohay lacag gaadhaysa illaa $2.4 bilyan oo dollar oo loogu talo galay badbaadada nolosha iyo weliba taageerida hab nololeedka, illaa 32 milyan oo qof.
Dadkan ayaa ku kala nool dalalka, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxeyna Soomaaliya heli doontaa boqolkiiba 25%, iyadoo Kenya la siinayo boqolkiiba 21%, halka Itoobiya la maalgelinayo boqolkiiba 22%.
Kulankan ay lacagtan ku bixinayeen qaadhaan-bixiyayaasha, ayaa waxa soo abaabushay Qaramada Midoobay taas oo sheegtay in arrintan la iskaga kaashaday si wadajir, waxeyna bogaadiyeen in laga hortagay, in abaarihii jiray ay isu bedelaan, xaalad macaluul ah.
Deeqdan lagu yaboohay ayaa waxaa soo de-dejiyey xaaladaha bani’aadminimo ee laga soo werinayo dalalkan, kuwaas oo ay si xooggan u saameysay abaarihii gobolka ku dhuftay bilihii la soo dhaafay.
Waxaa sidoo kale jirta in Qaramada Midoobay ay tilmaantay in xaaladaha deg-deg ah ee jira awgood, weli loo baahan yahay kaalmo kale oo dheeraad ah, si looga hortago in xaaladdu ay mar kale dib ugu noqoto halkii ay kolkii hore gaartay.
Sida ay shaacisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF, inka badan 7 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sano, ayaa weli nafaqo darro ku wajahaya guud ahaan Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.
UNICEF ayaa ku baaqday in la maalgashado nidaam horumarineed oo waara oo adkaysi leh, kaas oo gobolka oo dhan ah, si looga ilaaliyo carruurta iyo bulshada dhibaatooyinka mustaqbalka.
Deeq bixiyayaasha iyo Qaramada Midoobay ayaa daba joogi doona, sida ay dalalkan u maareeyaan dhaqaalaha la siinayo, kaas oo muhiimadiisu tahay inuu gaaro dadka nugul ee xaaladda adag heysato.
WQ: Ayaanle Qoyste
