Xilli shalay Barlamanka uu ansixiyey xeer muhiim ah oo lagu dhisayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dowlada fedraalka ayaa waxaa sacaadihii ugu danbeeyey isi soo tarayey qeylo dhaanta ka soo yeereysa Siyaasiyiinta Mucaaridka ah, iyadoo sidoo kalana ay jiraan warqado ka soo baxay qaar ka mid ah dowladda goboleedyada, kuwaas oo dhamaantood dowladda uga soo horjeeda qorshaha ku wajahan in waqtigan uu dalku aado doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweynaha dalka oo qorshaha dar dar galinta doorashada dadweynaha ka dalbaday barlamanka maxaa maanta la gudboon muhiimse ma tahay inuu la fariisto dhamaan dhinacyada tabashada muujinaya?
Qubarada siyaasadda dalka la socda ayaa aaminsan in ay lagama maarmaan tahay in Madaxweynuhu uu la fariisto dhamaan dhinacyada tabashada muujinaya, taas oo sida ay sheegeen u wanaagsan nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya oo ah mid soo kabanaya.
Siyaasiyiinta qaar ayaa iyaguna qaba in aysan waqti lagu lumin dhinacyada diidan in dalka uu u dhaqaaqo doorasho qof iyo cod ah.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed qeybtood ayaa bar bilaw wanaagsan u arka in dalka ay ka dhaqan gasho doorasho dadweyne oo looga gudbo midii dadbaneyd.
Dr Shaafi ayaa shaki badan galinaya in dalka xilligan laga hirgalin karo doorasho qof iyo cod ah, sababo la xiriira caqadaha kala duwan ee ku gadaaman dowladnimada oo ay ugu horeyso xaalada amniga.
Si kastaba Barlamanka Soomaaliya oo tixgalinaya codsigii Madaxweynaha ayaa waqtigan dar dar galinaya dhamaan sharuucda muhiimka u ah in dalka ay ka qabsoonto doorasho dadweyne, waxaana arrintani ay iminka tahay tan ugu hadal heynta badan gudaha Caasimada.