Thursday, September 11

Gudaha dalka Ruushka waxaa lagu xiray ku dhawaad 62- qof oo Soomaali ah, kuwaas oo laga soo qabtay dhawaan xadka ay wadaagaan Ruushka iyo Dalka Finland.

Dadkan Soomaalida ah oo ah tahriibayaal, ayaa doonaya in ay Ruushka uga tallaabaan dalalka kale ee reer Yurub, waxaana bilihii ugu danbeeyey kordhay qul qulkooda.

Sidoo kale Muhaarijiin ay ku jiraan dad Soomaali ah, ayaa ku xiran xabsiyo ku yaalla dalalka Belarus iyo Poland, kuwaas oo maalmo adag ku qaadanaya goobaha lagu hayo.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Belarus ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya dib loogu soo celiyey qaar ka mid ah Soomaalidii muhaajiriinta ahayd, halka kuwo kalana lagu hayo xabsiyada.

Sidoo kale Cilmi Axmed Cabdi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Poland, ayaa saxaafada u sheegay in ay wadaan dadaalo lagu sii deynayo Soomaalida dalkaasi ku xiran, oo uu tiradoodu sheegay in ay kor u dhaafeyso 20 qof.

Muhaajiriin ka kala socda dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya, Yemen, Kenya, iyo Marooko, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso 600 oo muhaajiriin ah, kuwaa oo aan haysan fiisaha saxda ah iyo dukumentiga, ayaa seddexdii toddobaad ee ugu danbeysay gudaha u galay dalka Finland, taas oo keentay in culeys la saaro xuduuda dalkaasi uu la wadaago Ruushka.

Exit mobile version