Ku dhowaad 40 ruux oo isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees oo ku nool Jasiiradda Chios ee Dalka Giriigga ayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah wajahaya, waxa ay dalbadeen in la siiyo gargaarka ay u baahan yihiin weliba si degdeg ah.
Dadkaan oo u badan Dhallinyaro ayaa dalkaas u tagay in ay uga sii tahriibaan Dalalka kale ee Qaaradda Yurub balse ay ku xayirmeen inkasta oo aan faah-faahin dhammeystiran laga helin sababta ku hakisay Jasiiraddaan.
Tahriibayaasha ayaa naftooda halis u geliya in ay aaminsan yihiin inay helayaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda, waxa ay la kulmaan dhibaatooyin xitaa mararka qaar ay ku waayaan naftooda sida cunno la’aan, biyo la’aan iyo daryeel xumo.
Dalalka dhaca qaaradda Yurub ayaa raadinaya xalka ugu dambeeya oo ay ku xakameynayaan qulqulka tahriibayaasha oo 10kii sano lasoo dhaafay kordhay marka la eego warbixinnada galay diiwaanka hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Qaxootiga iyo socdaalka.