Monday, September 15

(Hortabin Media) – Waxaa Jiitamaya muddo ka badan 1 sano dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ee uu ku baaqay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qubarada Falanqeeya arrimaha amniga, ayaa sheegaya in dagalka uu socon doono waqti aad u dheer, waxeyna shaki galiyeen inuu ku soo idlaan karo xiliga uu ku eg yahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qubaradan ayaa sheegaya in marka la eego sida uu dagaalku u socdo iyo qorshaha dowladda oo aan dhameystirneyn uu sababi karo in dagaalku uu jiitamo, muddo dheerna qaato.

Aragtidaasi mid ka duwan waxaa qaba qubaro kale oo iyaguna tilmaamaya in dagaalka ugu yaraan uu qaadan karo muddo hal sano ah, taas oo sida ay sheegeen suura gal ah.

Aragtidooda ayey qubaradan ku cabireen sida fudud ee ay Al Shabaab uga baxayaan kolba deegaankii ay ciidamadu u jiheystaan.

Iska caabin la’aanta Al Shabaab ay muujinayaan iyo culeyska ay kala kulmayaan duqeymaha diyaaradaha ayaa kooxda ku xanbaaraya in dalka isaga baxaan, isla markaana uu soo gebo geboobo waayahoodii joogitaanka gudaha Soomaaliya.

Exit mobile version