Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa wadahadallo ku saabsan sidii xasilooni looga soo dabaali lahaa dalka Suuriya dalka Turkiga kula yeeshay madaxweyne Erdogan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay, in labada mas’uul ay taageereen isbedel siyaasadeed oo ay Suuriya hormuud ka tahay oo horseedaya dowlad la xisaabtan iyo mid loo dhan yahay.
Booqashada Blinken ee Turkiga, ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayay qaar kamid ah dalalka deriska la ah Suuriya.
Waxaa sidoo kale la filayaa inay ka wada hadlaan sii socoshada dagaallada ka socda waqooyiga Suuriya, ee u dhaxeeya ciidamada Kurdiyiinta oo taageero ka helaya Mareykanka iyo jabhado uu Turkigu taageero, kuwaas oo la safan kooxda Hayat Tahriir al-sham HTS ee xukunka ka tuurtay madaxweynihii dalkaas Suuriya, Bashaar Al-Asad.
Si kastaba Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 480 weerar oo cirka ah ay ku qaadeen dalka Suuriya 48-kii saac ee la soo dhaafay, islamarkaana burburiyeen 15 markab, gantaallada lidka diyaaradaha iyo goobaha hubka lagu keydiyo oo dhowr magaalo ku yaalla halka Iran, dowladaha carabta, Turkiga iyo Qaramada Midoobay ay si adag uga hadleen falkan xadgudubka ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.