Mucaaridka dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay dibadbaxyo ka dhan ah arrimaha sharciga canshuur kordhinta ganacsiga ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha dalkaasi.
Canshuur kordhintan ayaa abuurtay sicir barar ku yimid maciishada, taas oo ay sheegeen in ay tahay mid aan la aqbali karin.
William Ruto Madaxweynaha Kenya oo isna hadlay ayaa ka soo horjeestay dibadbaxa ay ku baaqeen mucaaridka dalkaasi, isagoo cod dheer ku sheegay in aysan aqbaleynin fowdo lagu sameeyo jidadka dalkaasi.
Ruto oo arrintaan si kulul ugu hadlay ayaa sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono kuwa ku howlan in ay kiciyaan bulshada, taas oo ah caqabad kale oo soo korortay.
Dhawaan ayey ahayd markii ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ay cabasho ka muujiyeen canshuur kordhinta lagu sameeyey ganacsiga dalkaasi.