Tababaraha Roma Jose Mourinho ayaa aaminsan inuu ku qancin karo ciyaaryahanka khadka dhexe Paulo Dybalo inuu u soo wareego kooxda Roma.
Dybala oo 28 jir ah ayaa la filayay inuu u saxiixo kooxda Inter, laakiin wadahadaladii qandaraaska ayaa la isku mari waayay.
Roma ayaa Dybalo miiska u saari doonta heshiis qandaraas ah 24-ka saacadood ee soo socda ka dib markii Mourinho shaqsiyan uu Sabtidii la hadlay xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina si uu uga ogolaado in uu kooxdiisa usoo wareego.