Thursday, September 11

Xidiga Khadka dhexe ee kooxda Brighton Moisés Caicedo oo lala xiriirnayo kooxda Chelsea, ayaa albaabada u furay dalabka ay Chelsea ka soo gudbisay.

Xidiga ayaa naadiga Blues ku tilmaamay mid waxdaro ka dhigtay garoomada kubadda cagta wuxuuna sheegay in ay leedaha taariikh fiican leh, taas oo mudan inuu ku biiro.

Dhanka kale Weli waxaa socda wada hadalada u dhaxeeya Chelsea iyo Brighton ee ku aaddan xiisaha ay Blues u qabto xidiga khadka dhexe Moisés Caicedo.

Lamo hubo halka uu xaalku ku biyo shuban doona, hase ahaatee Chelsea ayey ka go’an tahay in xidigan ay la soo wareegto xagaagan.

Exit mobile version