Milateriga Itoobiya ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad hub u siday gobolka Tigray.
“Diyaaradda waxaa lagu soo riday Waqooyiga Humera iyadoo ka soo gudubtay hawada Itoobiya ee Suudaan,” ayuu yiri madaxa qaybta hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada difaaca qaranka Itoobiya, Major General Tesfaye Ayalew.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamada cirka Itoobiya ay soo rideen diyaaradaasi abaare 10:00 habeenimo caawa balse ma uusan bixin faah faahin dheeri ah.
“Ciidanka Difaaca Itoobiya waxay ka feejigan yihiin inay dalkooda ka ilaaliyaan cadow kasta oo argagixisa ah oo isku dayaya inay wiiqaan madax-bannaanida Itoobiya,” ayuu yiri Maj-Gen Tesfaye.
Mar sii horeysay, Redwan Hussein, oo ah la-taliyaha dhanka ammaanka ee Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in diyaaradda lagu rasaaseeyay Magaalada Mekelle ee xarunta Gobolka Tigray, xilli ay hub ka dejineysay.
Laakiin sheegashada Redwan ayaa hadda ka hor imanaysa hadalka ciidanka.
Ahmed Dhaqane, Nairobi