Militariga Israa’iil oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka iyo gantaallada culus ay ku beegsanayaan magaalada Gaza ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Magaaladaas kaddib markii culays xooggan uu koray ciidankeeda dhulka ku sugan.
Duqaymihii u dambeeyay ee Militariga Israa’iil ay fuliyeen waxa ay ku dileen dad rayid ah oo qaarkood Carruur ah kuwaas oo ku sugnaa goobaha fara-kutiriska ah ee Magaalada Gaza ay ku gabbaadsanayaan Dadkaas.
Ugu yaraan 6 qof oo 4 kamid ah carruur ah ayaa dhintay, waxaa dhaawac uu soo gaaray tiro intaas ka badan, waxaa sii kordhaya walaaca laga muujinayo duqaymaha arxan-darrada ah ee aan loo meel dayin ee rayidka ka dhanka ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo culays dhinac weliba ah saaran ayaa ciidamadiisa ku cadaadinaya in ay kordhiyaan duqaymaha xitaa haddii ay ku gaari karaan goobaha ay ka gudbi la’ yihiin ee iska caabbinta xooggan kala kulmayaan Xamaas.