Mikhail Gorbachev oo ahaa hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowgii Soofiyeeti ayaa ugu dambeyn u geeriyoodey xanuun hayay in muddo ah, wuxuuna ku dhintay da’da 91 sano jir. Faah-faahin lagama bixinin xanuunka uu sida gaarka ah ugu dhintay Gorbachev.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Gorbachev.
Gorbachev waxa uu hogaaminayey Midowgii Soofiyeeti laga soo bilaabo 1985 ilaa burburkii 1991kii. Burburkii Midowga Soofiyeeti waxay soo afjartay dagaalkii qaboobaa ee dunida waxayna horseedday madax-bannaanida dhowr waddan oo Yurubta Bari ah iyo sidoo kale aasaaska nidaamka dowliga casriga ah ee Ruushka.
Gorbachev waxa uu sannadkii 1990-kii ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, isagoo ku mutaystay doorkii uu ka qaatay soo afjarida dagaalkii qaboobaa, balse dad badan oo reer Russia ah ayaa u arka inuu masuul ka ahaa burburkii Midowgii Soofiyeeti iyo dhibaatooyinkii bulsho iyo dhaqaale ee dalkaasi soo maray horaantii sagaashamaadkii.
Maryam Haji, London