Friday, September 12

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa danjire Mohammed El-Amine Souef, oo ka tirsan u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Souef oo ah diblomaasi sare ayaa xilal kala duwan horay uga soo qabtay dalkiisa Comoros iyo Qaramada Midoobay. Waxaa uu soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaalamiga ah ee Comoros, Madaxa Xafiisyada Gobolka ee Howlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalalka Mali iyo South Sudan (Darfur).

Danjire Souef ayaa si dhow ula shaqayn doonaa Urur-goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, UNSOM, Midowga Yurub iyo dalalka kale ee saaxiibada ah.

Moussa Faki ayaa si qoto dheer ugu mahadnaqay madaxii hore ee AMISOM/ATMIS Danjire Francisco Caetano Jose Madeira adeeggiisii ​​wacnaa ee uu u qabtay Midowga Afrika muddadii 6-da sano ahayd ee uu xilka hayay.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa guul ugu rajeeyay Danjire Souef, xilka cusub ee loo magacaabay, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada kala in ay si dhow ugala shaqeeyaan Danjire Souef horumarinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version