Midawga Yurub ayaa ansixiyey dhaqaalle hor leh, kaas oo lagu taageerayo qorshaha bixitaanka ATMIS, iyo sidii ay ciidamada dowladda ula wareegi lahaayeen amniga dalka.
Dhaqaalahan oo gaaraya $74.4 milyan oo dollar, ayaa loogu tala galay qorshaha kala guurka, waxaana dhaqaalaha bar bar socota lacag kale oo gaareysa $42.5 milyan, taas oo uu Midowga Yurub ku taageeri doono ciidamada Xoogga dalka.
Dhaqaalahan ayaa loogu tala galay sidii ay ciidamada Soomaaliya ugu filnaan lahaayeen amniga dalkooda, maddaama ay dhawaan baxayaan ATMIS.
Dowladda ayaa wada qorshihii ay ATMIS ugala wareegi lahayd amniga Soomaaliya, waxaana mudooyinkii ugu danbeeyey la tababaray ciidamo fara badan oo Soomaali ah, kuwaas oo waqtigan lagu haleyn karo amniga dalkooda.
Midawga Yurub ayaa waxaa xusid mudan in ay taageero badan ku bixisaday ATMIS, tan markii ay Soomaaliya yimaadeen sanadkii 2007-dii, iyagoo ku bixiyey dhaqaalle aad u fara badan sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen waajibaadkooda Nabad Ilaalineed ee Soomaaliya,
Waxaase iminka taageeradaasi loo weecinayaa ciidamada Soomaaliya oo laga filayo in ay amniga dalkooda ku filnaadaan, inkastoo dad badani ay shaki galinayaan marka la eego nidaamka qabaliga ee Soomaaliya ka jira oo diidi kara in la helo askari qaran oo ka hufan qabyaalada.