Friday, September 12

Midawga Yurub ayaa ka soo horjeestay heshiiska is-afgarka ah ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Midawga ayaa si cad u taageeray madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya, wuxuuna tallaabada Itoobiya ku tilmaamay mid aanan suura gali karin.

Midawga Yurub ayaa bayaanka uu soo saaray ku shaaciyey muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, taas oo wiiqeysa hankii Itoobiya ee ku wajahnaa hanashada qeyb ka mid ah dhul badeedka Soomaaliya.

Midawga Yurub ayaa dhinacyada ugu baaqay in aan la qal qal galin xasiloonida gobolka, taas oo fursad u noqon karta argagixisada ka dagaalanta geeska Afrika.

Exit mobile version