Thursday, September 11

Shir Madaxeedka 37-aad ee Midawga Afrika oo soo gabagaboobay ayaa looga wada hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan geeska Afrika, gaar ahaan xiisada kulul ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Midawga Afrika ayaa walaac ba’an ka muujiyey xiisadan oo iminka u muuqata mid sii daba dheeraaneysa, maaddaama dhinacyadu ay yihiin kuwo aragti ahaan aad u kala fog.

Shirka Midawga Afrika ee soo idlaaday ayaa laga soo saaray Warsaxaafadeed, kaas oo ugu horeyn lagu sheegay in gollaha taageero uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax-banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo kan jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya.

Gollaha Midawga Afrika ayaa sidoo kale Warsaxaafadeedka ku sheegay in xiisadan ay halis galin karto xaaladda amni ee gobolka, wuxuuna labada dal ee Soomaaliya iyo iyo Itoobiya ugu baaqay in ay qaboojiyaan xiisada ka dhex oogan.

Midawga Afrika ayaa soo jeediyey in dhamaanba tabashooyinka la qabo lagu xaliyo wada hadal, iyadoo laga baaqsanayo colaad hor leh oo gobolka saameyn ku yeelata.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Midawga Afrika ayaa u muuqday mid si dadban u taageeraya Soomaaliya, taas oo niyad wajab xooggan ku ah Itoobiya oo waqtigan ay u muuqato inuusan meel mar noqon doonin damacooda, maaddaama badi caalamka uu cod ku taageeray madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Exit mobile version