Thursday, September 11
Waxaa Magaalada Boorame si diiran loogu soo dhaweeyey XIldhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada Maamulka Somaliland, kaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda Boorame.

Xildhibaanka ayaa waxaa si aad ah ugu soo baxay shacabka Boorame, iyagoo sita boorar ka turjumaya inuu ka dhabeeyey matalaadooda xilli ay xurguf u dhaxeyso isaga iyo Muuse Biixi.

XIldhibaan Maxamed Abiib ayaa qeyb ka ah Xildhibaanada Somaliland ee sida weyn u dhaliila maamulka Biixi, taas oo dhalisay caro ku aaddan inuu Muuse Biixi u dulqaadan waayo hadaladiisa, isla markaana uu hawada usoo mariyo weedho qalafsan oo ay ka caroodeen dadka Boorame.

Dadka gobolka Awdal ee uu matalo Maxamed Abiib ayaa tabasho ballaaran ka qaba maamulka Biixi, waxana dhowr kol ay ku dhawaaqeen in ay qaadan doonaan mowqifka ay Khaatumo qaadatay, oo ah in ay gabi ahaanba Somaliland isaga baxday.

Culeyska Maxamed Abiib uga imaanaya Biixi ayaa suura galin kara in kacdoon culus ay sameeyaan dadka Awdal, kuwaas oo waqtigan la ganbaya in ay ku dhawaaqaan maamul iyaga u gaar ah, Balse haddii uu kordho caddaadiska Xukuumadda Biixi ku heyso Maxamed Abiib, waxaa dhaboobi kara qorshaha reer Awdal ee ku aaddan in ay aayahooda ka tashadaan.

Exit mobile version