Thursday, September 11

Waxaa weli Faranjiyeer ku jira meydka Alle ha u naxariistii Luul Cabdicasiis, taas oo uu dhawaan gubay sayigeeda, iyadoo leh uur lix bilood ah, kadib khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo sayigeedii.

Ehelada Marxuumada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meydka gabadhooda uu ku jirayo Faranjiyeer ilaa inta nafta la dhaafinayo, ninkii sida arxan darada ahaa u gubay.

Aabbe Cabdicasiis oo ah aabaha dhalay gabadha la gubay, ayaa nasiib darro ka muujiyey in aan weli caddaalada la marin ninkii dilay gabadhooda, kaas oo dhawaan la soo qabtay, kadib markii uu baxsaday.

Wuxuu Aabbe Cabdicasiis tilmaamay in jiraan rag siyaasiyiin ah oo isku dayaya in ay daboolaan kiiska gabadhiisa, kuwaas oo ku reer ah eedeysanaha, waxana sida uu sheegay laga caga-jiidayaa in ninkan waajibka laga oofiyo, oo la dhandhan-siiyo falkii arxan darada ahaa ee uu kula kacay marxuum Luul.

Hay’adaha amniga iyo kuwo garsoorka oo ay Hortabin Media xiriir la sameysay, ayey inoo xaqiijiyeen in maalmaha soo socda la furi doono galka eedda ah ee loo heysto Siid-cali Macallin Cali, kaas oo gubay xaaskiisa, waxana sida ay Garsoorku inala wadaageen uu dhawaan ka soo hor-muuqan doonaa maxkamada gobolka Banaadir, si caddaalada loo mariyo.

Exit mobile version