Sida ay shaacisay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxaa meydad hor leh laga helay goobihii ay ku dagaallameen xooggaga SSC iyo milatariga Somaliland.
Meydadkan oo ahaa dagaalkii 25-kii bishii aynu ka soo gudubnay lagu jabiyey Somaliland, ayaa tiradooda lagu sheegay 42, waxaana sida ICRC ay sheegtay loo sameynaa aas.
Hay’adda ICRC ayaa sidoo kale booqatay maxaabiista labada dhinac ay kala qabsadeen, tan iyo markii uu dagaalka billawday 7-bilood ka hor.
Waxey sheegtay in xaaladdooda ay wanaagsan tahay iminka, waxeyse ku baaqeen in la dhowro xuquuqda maxaabiistaasi ayna helaan waxyaabaha daruuriga u ah nolosha aaddanaha sida Cunnada iyo Biyaha.
Hay’adda ICRC ayaa geesta kale bayaanka ay soo saartay ku xustay in si gaar ah loola soconayo xaaladda maxaabiista qaba dhaawacyada, kuwaas oo waqtigan u baahan daryeel dheeri ah.
Dabayaaqada bishii la soo dhaafay ayey ahayd markii dagaal kulul uu dhex maray Milatariga Somaliland iyo Xoogaga SSC Khaatumo, dagaalkaas oo suura-galiyey in Somaliland laga saaro fariisintii ay ku sugnaayeen mudada dheer ee duleedka Laascaanood, gaar ahaan halka loo yaqaan Goojacadde.