Friday, September 12

Waajibaadka dowladda halka sano jirta horyaalla waxaa ugu weyn sidii dalka ay u garsiin lahayd doorasho qof iyo cod ah, taas oo baajineysa nidaamkii doorashada dadban ee mudadda badan lagu soo jiray.

Masuuliyad aad u ballaaran ayaa dowlada Soomaaliya ee weli curdunka ah ka saaran, sidii ay dalka uga bixin lahayd nidaamka doorashada dadban, una gaarsiin lahayd doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah tan inta badan bulshada ay doonayaan.

Sababo jira awgood qubarada falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in ay adag tahay in xilligan loo dhaqaaqo doorasho qof iyo cod ah, waana kuwo cuskanaya qoddobo ay ka mid yihiin amniga.

Qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka ayaa ka maqan gacanta dowlada, waxaana meelahaas ka arrimiya kooxda Al Shabaab, taasna waxeyn hor istaageysaa in bulshada deggaanadaas ku nool ay codkooda dhiibtaan.

Aqoonyanada ayaa ku talinaya in la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadanaya doorashada, ilaa intii la awoodo, iyagoo dhanka kale dowlada cusub ka dalbaday in ay diyaariso qorshe ay dalka uga bixineyso nidaamka doorashooyinka dadban.

Waxaa kale oo la soo jeedinayaa in doorashooyinka qof iyo codka ah lagu tijaabiyo deggaanada ay dowlada gacanta ku heyso, isla markaana dadka dhulkaas ku nool loo oggolaado in ay doortaan gollohooda deggaanka.

Doorashada dadban ee muddada dheer lagu soo jiray, ayaa sababtay khilaafyo aan dhamaad lahayn, waxaana inta badan dhacda in bulshada loo xulo qofkii matali lahaa, iyadoo aan la wargalin.

Exit mobile version