Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dhallinyarada ugu hambalyeeyey munaasabada maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ka qeyb galay madal ay dhalinyarud ku weydiinayeen su’aalo, isagoo halkaasi ugu hadlay arrimo fara badan.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka dhawaajiyey in dalku uu galay xaalad dagaal, oo ay kaalin weyn ku leeyihin dhalinyarada, wuxuuna soo hadal qaaday in saakay ay muqdisho ka ambabaxeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka AL Shababa.
Madaxweynaha aya sidoo kale xusay in dhallinyarada looga baahan yahay in ay siyaasada soo raadsadaan si ay door muudqa ugu yeeshaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka kula dar daarmay in ay ka hortagaan musuqa oo uu sheegay inuu hoos u dhigayo dowladnimada Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa xusay in dowladu ay wado mashruuc ay shaqo abuur ugu sameyneyso dhallinyarada.