Sunday, September 14

Gudaha Muqdisho waxaa ku sugan Agaasimaha guud ee Sirdoonka dalka Kenya, Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, kaas oo kulan la yeelan doona dhigiisa Soomaaliya Mahad Salaad Maxamed.

Kulankan  ayaa ah mid ay indhaha ku hayaan dalalka daneeya bariga Afrika, waana mid xoojin doona xiriirka dhinaca sirdoonka ee ka dhaxeeya labada dal.

Kulankan ayaa yimid xilli Al Shabaab ay ku baaheen deegaanada badan oo ka tirsan waqooyi bari Kenya, taas oo uurku-taalo ku noqotay dowladda Kenya.

Iskaashigan ayaa sida la filayo cuuryaamin kara weerarada Al Shabaab, waxaana fududaan doonta sida qubaradu qabaan in la helo xogtooda.

Sida xogto ay sheegeyso, waxey labada taliye Sirdoon sameyn doonaan guddi si cad uga shaqeeya taaba gelinta qodobada dhinaca sirdoonka ee lagu heshiiyo.

kulanka labada masuul ayaa sidoo kale horseedi kara in sirdoonada geeska ay ku soo biiraan iskaashiga ay sameynayaan labada dal, taas oo caqabad weyn ku ah Al Shabaab.

Mudooyinkii ugu danbeeyey Kenya waxaa dhibaato ba’an ku hayey Al Shabaab, kuwaas oo ka geystay weeraro kala duwan, oo dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Exit mobile version