Friday, September 12

Maxkamada Ciidamada qalabka sida waxaa maanta ka soo muuqday askaro loo heysto fal argagax leh oo dhacay horaantii sanadkan.

Ciidamadan ayaa bishii February ee sanadkan is hortaag ku sameeyey Gudoomiyaha degmada Yaaqshid, waxaana is hortaagaasi kadib ay fureen rasaas ay ku geeriyoodeen dad rayid ah oo marayey wadada, kuwa kale oo ka mid yahay Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisana ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhacdadaasi ku geeriyooday iyo kuwo ku dhaawacmay ayaa u badnaan darawalada mooto bajaajta, iyo shacab rakaab ah oo ay wadeen.

Maanta ayey maxkamadda ciidamada qalabka sida ka soo wada muuqdeen, ciidamadii falkaasi ku kacay iyo dhibanayaasha iyo eheladooda, waxaana madasha goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha degmada Yaaqshid oo maxkamada u sharaxay sida ay wax u dhaceen maalinkaas.

Dadkii dhacdadaasi ku geeriyooday ayey tiradoodu gaareysay 11 ruux oo 2 ka mid ah ay ahaayeen ilaalada Gudoomiyaha, halka uu dhaawac soo gaaray 10 ruux oo kale.

Askara falkaasi geystay oo ahaa 13, ayaa lagu eeddeeyey in ay si bareer ah dadkaasi u xasuuqeen, waxaana gudaha maxkamadda lagu daawaday muuqaal  muujinaya sida ay wax u dhaceen, oo ay duubtay kaamiradii koontoroolkaasi ku xirneyd.

Qareenada u doodaya eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka sheegay in askarta ay gudanayeen waajib ku aaddan sugida amniga, iyagoo fulinayey amaro uga yimid madaxda ka sareysa, waxeyna dalbadeen in cafis loo fidiyo.

Dhageysiga gar maqalka kiiskan oo qaatay saacado badan, ayaa la soo geba-gabeeyey, waxaana dhawaan go’aan ka gaari doonto maxkamadda, sida uu sheegay Gudoomiyaha maxkamada CQS Xasan Cali Nur Shuute

Exit mobile version