Sunday, September 14

Maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa markii labaad ay dhageysatay dacwada loo heysto 4 nin, oo ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Eedeysanayaasha oo dhamaantood loo heysto eeddo la xiriira musuq, ayaa lagu kala magacaaba: Cabdulaahi Maxamuud Osoble, Cumar Macalin Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi.

Raggan 4-ta ah ayaa qeyb ka ah 18 nin oo ay xeer ilaalintu ku soo eedeyso falal la xiriira xatooyo xoolo dad weyne.

Maxkamada ayaa fadhi kale ballamisay, si loo guda galo eedo loo heysto raggan, waxaana xusid mudan in ay baxsad yihiin 8 ka mid ah 18-ka masuul ee ay xeer ilaalintu ku soo oogtay eedaha musuqa ku qotoma.

Exit mobile version