Sunday, September 14

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah maanta ku riday Xassan Xussen Nuur oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Askarigan ayaa dil ka geystay Muqdisho, wuxuuna ka tirsanaa guutada ilaalo qaran ee ciidamada dowladda.

Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Warta Nabadda, wuxuuna askariga uu dilay marxuum Xussen Maxamed Xirsi 15-kii bishii April ee sanadkan.

Ciidamada dowladda ee dilalka u geysanaya dadka rayidka ah ayaa kordhaya waxaana tallaabadan ay xakameyneysaa dilalka joogtada noqday mudooyinkii ugu danbeeyey.

Exit mobile version