Sunday, September 14

Kadib seddex fadhi oo ay Maxkamada Racfaanka ka yeelatay kiiska loo heysta Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa maanta la filayaa in lagu dhawaaqo xukunka kama dambeysta ah.

Ninkan ayaa ku eedeysan inuu gubay Xaaskiisa, oo uu khilaaf qoys ka dhaxeeyey, waxaana xilligii ay dabka u geeriyooneysay ay lahayd Uur, waxaana ifka uga tagtay caruur kale oo agoon ah.

Go’aanka ka soo baxaya Maxkamada Racfaanka ayaa waxaa si weyn u hadal haya qeybaha Bulshada, kuwaas oo kiiskan si toos ah ula socday, maaddaama warfidiyeenada loo oggolaaday in ay baahiyaan.

Kiiskan ayaa soo maray maraaxilo kala duwan, waxaana kal hore Maxkamada Gobolka Banaadir ay Sayid Cali ku xukuntay xukun dil ah, inkastoo uu racfaan qaatay.

Abuukaate Xalane oo ah qareenka u doodaya eedeysanaha ayaa sheegay in haddii ay ku qanci waayaan go’aanka Maxkamada Racfaanka ay u gudbi doonaan Maxkamada Sare ee dalka, taas oo ay kiiskooda hor geyn doonaan.

Exit mobile version